Sawirro: Shaqaalaha Aadan Cadde Airport oo Shaqo joojin Sameeyey

Wararka Maanta

Inta badan Shaqaalaha Soomaalida ah ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax  ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Favori ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha.

Shaqaalahan ayaa ka cabanaya in muddo aanay qaadan wax mushaar ah, iyadoo mudnaanta koowaad la siiyo dadka ajnabiga ee ka shaqeeya Garoonka, Sidoo kale shaqaalaha ayaa ka cawday inuu qofka heysta shahaado jaamacadeed iyo mid Dugsi sare ay yihiin kuwo isla siman oo mushaarka ay qaataan ay isku mid yihiin, waxaana ay tilmaameen in arrintan ay aheyd mid soo jiitameysay.

Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka shaqeeya Shaqaale isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, waxaana shirkadan la sheegaa in ay xadgudub badan ku sameyso shaqaalaha u shaqeeya, waxaana inta badan maamula Turki la sheegay inaysan aqoon sare laheyn.

Dowladda federaalka ayaa ilihii dhaqaalaha Muqdisho gacanta u galisay shirkado Turkiga laga leeyahay, waana arin u baahan in ay soo fara galiyaan xildhibaanada Barlamaanka iyo hey’adaha garsoorka.

banaan-bax banaan-bax2 banaan-bax310923327_732919036803811_5635406564604923351_n

Comments are closed.