Allaha u naxariistee Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Hooyadiis Waxaa lagu magacabaa Muumino Maxamed Yuusuf Shiikhow, waxa uu ku dhashay deegaanka Dabagalo ee degmada Xarardheere gobolka Mudug sanadkii 1957 kii.
Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe ku qaatay degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halka waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Magaalada Muqdisho sanadkii 1975 kii.
Jeneraal Goobaale waxa uu ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku biiray sanadkii 1976 kii, isagoo tababarka ciidan ku qaatay dugsiga tababarka ciidanka xoogga dalka ee Hiilweyne, Jeneraalka ayaa ka mid ahaa ururka 45-aad Guutada 15-aad ee qeybta 26-aad oo fadhigiisuna ahaa gobolada waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Jeneraal Goobaale ayaa ka qeyb qaatay dagaalkii 1977 ee Xoreynta dhulka itoobiya xoogga inaga haysto, wuxuuna dagaalkaas lagu siiyey bilad geesinimo sanadkii 1978 kii.
Sanadkii 1982 kii wuxuu ku biiray Kuliyadda Ciidamada waxa uuna helay darajada Xidigle, sanadkii 1984 wuxuu u dalacay Laba Xidigle, isagoo noqday Taliyhii Waaxda Saadka ee qeybta 26-aad, sanadkii 1986 kii wuxuu noqday Saddex Xidigle (Dhamme), 1989 kii wuxuu u dalacay darajada Gaashaanle Xoogga Dalka.
Dowladii uu hogaaminayey C/qaasim Salaad Xasan ayaa 2001 Goobaale u dalacsiisay Darajada Gaashaaanle Dhexe, sanadii 2003 wuxuu noqday Gaashaanle Sare, bishii Luulyo 2011 wuxuu qaatay darajada Jeneraal, Goobaale ayaa Jagooyin ciidan ka qabtay xoogga dalka Soomaaliya, wuxuu intii uusan geeriyoon hayey Jagada Taliyaha Guutada 3-aad ee qeybta 12 April.
Marxuumka ayaa maanta lagu aasay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu xasuusan doonaa hogaaminta ciidanka, isagoo ka mid ahaa sarakiishii gacan weyn ka geystay dib u yagleelidda qeybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliya oo fadhigeedu yahay gobolada dhexe.
Comments are closed.