Dad Loo Qabtay Qaraxyadii Ka Dhacay Deegaanka Af-urur Ee Gobolka Bari

Wararka Maanta

Maamulka Puntland ayaa sheegay iney dad usoo qabteen qaraxyadii ka dhacay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, 1-dii bishan.

Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Dhexe C/rashiid C/raxiin ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku qoray in ciidamada Puntland ay howlgal ka sameeyeen deegaankaasi kusoo qabteen raggii ka dambeeyay weerarkii Af-urur.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadka lasoo qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, kuwaasi oo loo maleynayo iney wax ka maleegeen qaraxyadaasi.

Sidoo kale Taliye C/rashiid ayaa sheegay in baaritaan kadib, dadkan la hayo la saari doono maxkamad.

Labo qarax oo is xigxigtay ayaa Jimcihii aynu kasoo gudubnay ka dhacay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Goobjoog