Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la afuray Ciidanka Xasilinta Caasimadda

Wararka Maanta

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya oo ay weliyaan wasiirka amniga, wasiirka dhalinyaradda,  guddoomiyaha Gobolka Bnaadir ahna duqa Caasimadda ayaa  kula afuray askarta qaarka mid ah wadooyinka caasimadda Ciidanka ku jira  xalisinta Muqdisho.

Ra’iisul Waaaraha xukumadda Fedraalka Soomaaliya  Mas’uuliyiinta kale ayaa si caadi ah ula afurayey askarta iyagoo aad ugu faraxsanaa in ay arkaanmadaxda dowladda oo  wadada ay howlgalka ka wadaan kula afuraya.

Ra’iisul Wasaraha xukumadda Federalka Soomaaliya oo la hadlay askartii uu la afuray ayaa  tilmaamay  ay Xukumadda ka go’an tahay dhiiri galinta iyo sare uqaadista. Muralka Ciidanka  si loogu guuleyso Xasilinta Amniga dalka gaar ahaan Muqdisho.

Ra’iisul wasaraha ayaa hotelada ku yalla muqdisho. Kula shaah cabay muwadiin Soomaaliyeed oo ku sugnaa  iyagoo farayey in ay la dhaqeyaan Dowladda ayna soo gudbiyaan talooyinka ku aadan dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.