Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku amaanay Sergio Aguero ka dib markii uu gaaray rikoorkii Eric Brook u yaalay kooxda waqti dheer ee 177 gool.
Aguero ayaa goolka dhaliyay rigoore kulankii ay City 3-0 uga badisay Burnley galabta, isagoo la wareegay rikoorka cusub ee naadiga.
Guardiola wuxuu kalsooni ku qabaa inay tahay waqtiga kaliya ee ka hor inta uusan xiddiga reer Argentine uusan sameynin calaamad cusub, inkastoo, tababaraha City ayaa ka hadlay guulaha uu gaaray.
“Waa arrin aad muhiim u ah maanta si loo barbardhigo rikoorka sida ugu dhaqsaha badan, wuxuu doonayaa inuu jebiyo waana wax gaar ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaa muhim weyn u ah isaga inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda, waana ku faraxsanahay inaan la joogno isaga.”
City ayaa sidoo kalemarkii 11aad ee isku xiga ee tartamada oo dhan badisay, iyagoo shan dhibcood oo nadiif ah ku haaya hogaanka horyaalka Barclays Premier League.