Nabad & Nolol iyo Ahlu-sunna waa isku wareersan yihiin,

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Nabad & Nolol iyo Ahlu-sunna Waljamaaca waa isku wareersan yihiin, cid madaxbannaan oo dhexdhexaadisa lama helin illaa hadda, labadooduna isma qancin weli, sababta oo ah Nabad & Nolol waxa ay aaminsan yihiin in cid walba oo is hortaagta laga adkaado sida uu sheegay danjire Daahir Maxamuud Geelle oo muddo sanad kudhow ahaa Wasiir katirsan Xukuumadda, sidaas awgeed ciidan iyo hub ayay ku daabuleysaa Dhuusamareeb sidii ay yeeshay 2018 ee ay ciidan ugu daadgureysay Baydhaba.

ASW! ‘Alshabaab ayaan la dagaalnay oo aan ka xoreynay Dhuusamareeb iyo Guriceel sidaas awgeed cid kala u daahimeyno! ayay u joogtaa, Garoonka ay ciyaar-xumadaas siyaasadeed kasocoto waa Dhuusamareeb oo in Galmudug degto ay qaadatay dhowr sano, marka ay halkaas taagan tahay waxaan arkay in Nabad & Nolol iyo ASW iskudan yihiin balse aanay fahamsanayn sida ay isugudan yihiin.

Nabad & Nolol waxa ay rabtaa in ay Galmudug kasoo baxdo dowlad-goboleed kucaawisa dib ugu soo noqoshada talada dalka doorashada 2021, sidaas daraadeed Baarlamaan saaxiib la ah iyo madax gacansaar wanaagsan la leh Nabad & Nolol ayay uga baahan tahay Galmudug si calaalugga kusoo laabashada talada dalku isugu rog xaqiiqo

ASW waxa ay rabtaa in ay u sii jirto hab siyaasi ah oo ay kasii dhexmuuqato dowladda sidaas awgeed markii hore wax xoogaa dabacsanaan ah ayay u sameysay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Nabad & Nolol balse markii ay dareentay in Xasan Cali Kheyre doonayo in uu soo gaabiyo cimriga siyaasadeed ee ASW ayay dib u guratay hayeeshee jiitan dheer kaddib si fiican oo ay suuragal tahay in looga adkaado ayaa loo dhexgalay! Sida muuqatase hadba dhan ayay jilayaasha ASW ee siyaasaddu ka imanayaan, taasina waxa ay wareerisay siyaasadda billowga ah ee Nabad & Nolol.

ASW waxa ay gashay ilduuf siyaasadeed oo sababi kara in hab siyaasi ah looga adkaado, tusaale ahaan halkii ay qabaailka saamileyda ka ah Galmudug uga sameysan lahayd olole si ay u hesho tiro badan oo xubnaha Baarlamanaka ah ayay Nabad & Nolol kacodsatay in tiro fiican laga siiyo Baarlamaanka balse waxa ay noqotay gacani wax aanay hayn waa u geed, kabasii darane NN iyada oo ka faa’iideysaneysa taagdarrada siyaasadeed ee ASW ayay u muujisay gorgortan kusaabsan xubno Baarlamaan oo aan gacanteeda kujirin.

Ma is af-garanaa?

Haa waa muhiim, labadiinuba dan ayaad leedihiin fursaddiina waa haysaan, Almiino adinku daneysta si kafog dagaal iyo ciidan, waxaana suuragal ah in haddii aad wax isu ogolaataan waxna kala qaadataan ay ka dhib yartahay in aad is muqiinisaan.

U gaar ah Nabad & Nolol

Inkasta oo aad kucelineysaan tijaabo natiijada kasoo baxeysa la sii yaqaan oo ay xukuumado idinka horreeyey sameeyeen haddana siyaasiyiintu marka ay kursiga jeclaadaan waxa ay u dhaqmaan sida Carruurta, haddii ay awood leeyihiinna sida xayawaanka! haddana habka aad ula dhaqmeysaan dowlad-goboleedyadu waxtarka aad karaadineysana kama heli doontaan.

KGS doorasho dhiig leh ayaa kadhacday madaxdii kasoo baxdayna waxa ay ku fadhiyaan kuraas dhiig leh! Sidaas oo ay tahay cid hubtaa ma jirto in ay gacan idin siinayaan 2021 iyo in ay Washamsi idinku qaadi doonaan xitaa haddii aad ciidamo kale ku daadgureysaan.

Jubbaland 3 madaxweyne ayaa kasoo baxday hayeeshee Axmed Madoobe oo aad muddo dheer wadahadleyseen isna fahmiweyseen ayaa talada kusoo noqday! Nacayb iyo Jacaylba waa madaxweyne aadnaan aqoosan weli! malaha aaqirkana heshiis caalwaa ah ayaad la geli doontaan.

Galmudug taladeeda maanta ciyaar yahanno waaweyn ayaad ka tihiin balse haddii aad xarigga jiididda ka badisaan in uu go’o ayay u dhowdahay, waxa aan filayaa in xarig walba oo go’a uu ka go’ay rejadiina doorashada 2021.

ASW-Ahlu sunna Waljamaaca)

Caqliginu ha shaqeeyo Nabad & Nolol waa dowlad doorasho dadban kutimid, xoolihii iyo xilkii dalka ayay haysataa, 3 madaxweyne ayay arrintiinu soo taagan tahay welina xal ma helin xoolana ha sheegin, NN la macaamila! Wax kaqaata waxna u daaya, ogaadana in aad nidaamka dowladda soo gashaan waxa ay mudan tahay in qiime walba ku baxo.

Jab-had gaar u taagan oo hubeysan oo aan dowladda kamid ahayn muddo yar ayay jiri kartaa, waqtigii jab-hadaha lama joogo! Maanta wixii suuragal ah qaata, olole sameeya haddiiba ay Qabaailku wax idin ogol yihiin oo aad abaal hore ku leedihiin.

Labadiinuba ogaada waddankaan toban sano oo kasta Soomaaliya waxaa kadhaca isbeddel, hadda waxa la joogaa xilligii uu dhici lahaa! Oddorosna ma jiro, bal fiiriya

July-1960- Oct-1969 Dowlad rayid ah
Oct-1969-1980 Dowlad kaligi talis ah oo horumar sameyneysa
1980-1990 Dowlad kaligi talis ah oo bubureysa
1990-2000 dagaal iyo duruufo adag
2000-2012 Dowlad KMG
2012-2020 Dowlad Rasmi ah
2020-2030 ——-
W/ Q Ahmed Isse Gutale