Madaxweynaha Galmudug oo laga sugayo Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale ayaa la filaaya inuu goordhow kasoo dago garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado. Madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo, isagoo ka qeybgalayey shirka dowlad goboleedyadu uga arinsanayey xaaladda dalka.

Axmed Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wafdigii galmudug uga qeyb galay shirkaas. waxaana aad loo adkeeyey ammaanka Magaalada Cadaado. iyadoo ay wali taagan tahay khilaafka Madaxda Sare Galmudug.

Dhanka kale kooxda kasoo horjeedda Xaaf ayaa ku dhawaaqday in 25 bishan ay qabanayaan doorasho Madaxweyne, lamana oga sida ay ku suurta gali karto arintaas. Cadaado ayaa wehel la noqotay si jiijiid siyaasadeed. sidoo kale Dhaqdhaqaaq ciidan oo dheeraad ah ayaa saacadihii ugu dambeeyey laga dareemayey Cadaado.

wixii kusoo kordha wararkaan kala soco ceelhuur.com