G. Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo isku heysta Buugga Caafimaadka

Wararka Maanta

Wasaaradda caafimaadka Dowlada Federaalka ah Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisay buug caafimaad, shaqaale iyo qalabkii loogu talo-galay in loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in ay diyaariyeen Buuggaan laakiin Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dhibaato ku heyso oo aysan u ogoleyn maamulidda howlaha Caafimaadka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa weerar ah Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay maamulka gobolka Banaadir faragalin ku heyso.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Yariisow in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dooneyso maamulida howlaha Caafimaadka ee gobolka Banaadir loo idmaday.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay Buug maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray oo laga rabo in ay qaataan dadka aadaya dalka dibadiisa.

Waxaana buuggaasi qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ay ku tilmaameen Caqabad bulshadda lacago looga sameynaayo.