Deg Deg:Gudoomiye waaxeed goor dhow lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Guddoomiye waxaadeed ka tirsaneyd degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Buundada1aad ee Degmadaas.

Goob jooge ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Rag hubeysan ay toogteen Haweeney lagu magacaabo Foos oo ka mid ahayd guddoomiye waaxeedyada degmada Xamar jajab.

Goobjoogahaas ayaa intaas ku daray in kooxda dilka geystay ay ka baxsadeen halkaas iyada oo ay gaareen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa baaritaan ka billaabay xaafadda iyaga oo ku daba jooga kooxda dilka ka geystay xaafadda 1-da May ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

dilalka qorsheysan ayaa maalmhan ka jiray Magaalada Muqdisho waxaana shalay degmada Dharkenley lagu dilay Taliyihii Nabad sugidda Kaxda iyo Adeerkiis oo Gaari ay la socdeen lagu rasaaseeyay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkenley.