Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka & Madaxda Maamul Goboledyada

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay shirka culimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Hotel Royal Palace magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Isagoo hadal ka jeedinayay shirka sheegay in dowladda oo Khilaafaad iyo culeys lagu furo macnaheeda aysan aheyn mucaaradnimo, balse ay tahay dowladd dumin.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumado ku tilmaamay in Dowladda lagu dacweeyo Beesha caalamka,taasi micnaheeda uu yahay in la curyaamiyo dowladnimada Soomaaliya, balse aysan aheyn mucaaradnimo: “Markii laga hadlaayo dowladnimada dhan in geedka jirida loo gooyo oo loo diido xasilooni, oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano oo qalalaase Siyaasadeed & Khilaafaad oo laga hadlo dowladda oo dhan in la bedelo oo loo tago Beesha caalamka oo lagu dacweeyo, taasi waxa weeye dumin ee ma’ahan Mucaarad iyada lafteeda waa caqabadaha na haysta.”ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili Madax goboleedyadda ay shir kula leeyihiin Nairobi wakiiladda Beesha Caalamka,waxayna hor dhigeen labo qodob oo kala ah

1-in macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka,

2-in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada.

halkaan ka daawo khudabada farmaajo.