Muqdisho:Labo kamid ah Darawalada Bajaajlayda oo la dilay.

Wararka Maanta

Labo dhalinyaro oo ah darawalada mootada loo yaqaano Bajaaj ayaa shalay gelinkii dambe siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka hore ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha, kaddib markii kooxo hubeysan ay toogteen darawal waday mooto bajaaj oo magaciisa lagu sheegay Qaloocow.

Darawalkan ayaa lagu dilay agagaarka wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Sidoo kale darawal kale oo bajaaj waday ayaa lagu dilay degmada Xamar weyne, kaddib markii askari uu rasaas ku furay, xilli wadada ay ciriiri aheyd.

Ciidamada Booliska degmada Xamar weyne ayaa la sheegay inay qabteen askarigii dilka, oo lagu haayo saldhiga booliska.

Darawalada bajaajta wada ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka soo gaara, waxaana qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay had iyo jeer yihiin kuwo ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto.