Farmaajo & Kheyre oo ku Cadaadinaya Sanbalolshe inuu iscasilo

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dowlad itoobiya u Gacan galisay Halgamaa CabdiKariin Sheekh Muuse QalbiDhagax oo ka mid ahaa saraakiisha Ururka Xoreynta Soomaali Galbeed ONLF.

Sidoo kale wasiirka Warbaahinta dowladda itoobiya ayaa xaqiijisay in Qalbidhagax loo gacan galiyey, ayna sharciga la horkeeni doono. Arintan ayaa wajigabax ku noqotay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

Dhanka kale ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey ceelhuur.com in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Kheyre ayaa ku cadaadinayaan Taliyaha NISA Sanbaloolshe inuu is casilo si ay u damiyaan kacdoonka Shacabka Soomaaliya iyo Xildhibaanada.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa sidaan oo kale xilka uga qaaday Hantidhowrihii Qarankii kadib markii ilaaladiisu dishay wasiir Cabaas Siraaji, arintaan oo ay kaga gaashamanayeen iyagoo dayacay ammaanka wasiirka.

Madaxda Qaranka ayaa suurtagal tahay in haddii aysan is casilin maalmaha soo socda Xildhibaanada Qaar ka keeni doonaan mooshin, iyagoo lagu eedeynayo Khiyaano Qaran.