Home > Wararka Maanta > Kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo taageeray dhismaha madasha xisbiyada Qaran

Kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo taageeray dhismaha madasha xisbiyada Qaran

Wararka Maanta

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Wadajir Sayid Cali Macalin Cabdulle ayaa soo dhoweeyay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inay Guddoomiye u doorteen Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Sayidcali Macalin ayaa sheegay inkastoo uusan Xisbigooda ka tirsaneyd Isbaheysigaas, hadana ay tahay biseyl siyaasadeed oo loo baahan yahay in la dhiira geliyo isu tagga Xisbiyada qaar ee dalka.

“Waa biseyl siyaasadeed oo loo baahan yahay in la dhiirageliyo waana ugu hambalyeynaynaa, in la isu tago oo intii isku aragti ah waxay xoojineysaa doorashooyinka soo socda ee 2021″ayuu yiri Sayidcali Macalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta uusan Xisbigooda qeyb uga noqon Isbaheysigan ay tahay in weli Xisbiga go’aan gaarin, ayna tahay arrin u taalo Golaha Dhexe ee Xisbiga in marka hore laga ansixiyo.

Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee maanta ku dhawaaqay inay Guddoomiye u doorteen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif waxaa loo arkaa in markii u horeysay ay midoobeen cududa qaar ka mid ah Xisbiyada iyo xubnaha Mucaaradka ee Baarlamaanka ku jira inay hal hoggaan iyo hal Madal isugu tagaan, ka hor xilliga doorashada, waxaana ay soo afjareysaa hadal heyn maalmihii u dambeeyay jirtay oo ahaa in dowladdu ay sameysaneyso muddo kororsi, isla markaana sanadka ka haray xilka Madaxweyne Farmaajo ay tartan siyaasadeed adag la geli doonaan.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!