Maxamed Aadan Tiiceey oo booqday isbitaalka Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey ayaa saaka booqasho ku tagay isbitaalka Guud ee Magaalada Cadaado, Waxaana booqashadiisa ku wehliyey Madaxweyne ku xigeenkii hore Ximan & Xeeb Cabdiraxmaan Shaaticadde, Wasiir Cumar Guureeye iyo gudoomiyaha degmada Cadaado.

Masuuliyiintaan ayaa u kuurgalay habka uu u shaqeeyo isbitaalka oo ah kan ugu balaaran Galmudug. Dakhtar Maxamed Cumar ayaa soo dhaweeyey masuuliyiintaan, waxa uuna tusay habka uu isbitaalku u shaqeeyo. Sidoo kale Tiiceey ayaa booqday xarunta Madaxtooyada Galmudug Cadaado, halkaas oo lagu daahfuray barnaamijka isgaarsiinta dalka, iyadoo ah barnaamij lagu qalabeey saddex xafiis qalabkii ugu dambeyey ee isgaarsiinta maamulada. waxaana mashruucaas daah furay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug Mr. Dubad.