Xulka kubada cagta soomaaliya oo dharbaaxo kulul ku dhuftay xulka zimbabwe

Ciyaaraha Wararka Maanta

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa uga badiyay 1-0 xulka dalka Zimbabwe lugta hore ee isreebreebka Koobka Adduunka ciyaar xiiso leh oo ka dhacay dalka Jabuuti maanta.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka El Hadj Hassan Gouled Aptidon Stadium ayaa waxay xulka qaranka Soomaaliya qeybtii hore iyo qeybtii labaadba soo bandhigeen ciyaar tayadeeda ay aad u sareyso.

Xulka Soomaaliya ayaa helay fursad aad u faro badan labada qeyb ee ciyaarta balse kama aysan wada faa’ideysan iyagoo helay goolka guusha dhamaadkii ciyaartii ka dhacday garoonka Jabuuti oo hooy u ah xulka qaranka Soomaaliya.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa talaabo weyn u qaaday inay hore ugu sii socoto isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabanayo Qatar, iyagoo u baahan inay xaqiijiyaan guusha kulanka lugta labaad.

Waxaa lugta labaad ee ay xulka Soomaaliya booqan doonaan magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe maalinta Sabtida ee soo socota ee 7da bisha September.

Guusha ay maanta xulka dalka Soomaaliya ka gaareen tartanka is reebreebka koobka adduunka ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1984kii xilligaa oo xulka Soomaaliya ka badiyay xulka Kenya.