Faafaahin Dagaal Xalay ka dhacay Degmada Baraawe

Wararka Maanta

Ciidamada Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, Dagaalka ayaa ka dhacay dhanka xeebta, waxaana ciidamada dowlada looga gubay gaari cabdi bile ah, Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda dagaalkaasi looga dilay Shan askari.

C7l6vpEVYAE9v9j

Dhanka Alshabaab ayaa khasaare ka soo gaaray, iyagoo mid ka mid ah ciidankooda uga carareen goobta dagaalku ka dhacay, Gudoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Madoobe wuxuu xaqiijiyay gaariga cabdi bilaha ah ee Shabaab ay gubeen, markii ay weerarka soo qaadeen xalay saqdii dhexe.

Ciidamada AMISOM ayaanan u gurman ciidamada dowladda, waxaana saraakiisha dowladu eedeyn dusha uga tuureen ciidmada Amisom ee Baraawe ku sugan.