Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya… Qaybtii 2-aad

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Maanta

Qaybtii 2-aad
Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya
(Sinaariyo: Xog loo qaateen ah)
(Xaaladaha aan Caadiga ahayn waxaa looga bixikaraa,
Xeelado aan Caadi ahayn)
Q: Shariif Cosmaan

Odeygii kale oo ganacsatada ka tirsanaa ayaa gacanta taagey. Laakiin intii uusan su’aashiisii u galin ayaa waxaa ka dhexgalay aqoonyahankii horey wax u sharxayey. Wuxuuna weydiiyey bal sida uu ugu qancay jawaabtii la siiyey wuxuuna ku jawaabay, inuu aad ugu qanacsanyahay lakiin su’aashii ugu muhiimsaneyd ay weli u dhimmantahay, wuxuuna ku jeestay oo dhegta u dhigay ganacsadihii kale ee aan weli hadlin. Markay showrkoodii dhameysteen ayaa ganacsadihii labaad su’aashiisii galay:

Su’aal:
“Su’aasha noogu muhiimsan aniga iyo saaxiibkey oo aan isweydiineyney waxay tahay, xaggee caasimadda loo rarayaa? Waayo Xamar waa meel facweyn oo taariikhi ah, waa meel istraatiiji ah, haddii la yiraaho Xamar Caasimadda waa laga rarayaa waxay u badantahay iney xiisad weyn kiciso.” Ganacsadihii kale ayaa hadalkii qaatey asagoo ku sii darsanaya:
“Walaalayaal, horta sideedaba haddii wax fiicani kaa halaabaan/xumaadaan, lama tuuro ee waa la dayactiraa oo la hagaajiyaa.” Madaxweynihii ayaa hadalkii soo dhexgalay kuna yiri: “Sidaas aad u tiri ayaan u aragney in waxa fiican la hagaajiyo oo aan la iska tuurin,” wuxuuna u baaqay aqoonyahankii su’aalaha ka jawaabayey in uu jawaabtii sii wato.

Jawaab:
Xamar lagama guurayo ee waxyar ayaa duleed-xeebeedka 15-19 Km looga durkayaa. waxayna ka tirsanaan doonta Muqdishu. Dowladdu waxay u guuriddoontaa caasimadda cusub ee ‘New Mogadishu,’ in kastoo wasaaradaha iyo wakaaladuhu ay saleys ku lahaan doonaan Xamar, maadaama ay tahay ahaanna doonto caasimadda ganacsiga dalka.
Ganacsadihii hore ayaa kacanta taagey:

Su’aal: Waxaan rabaa inaan ogaado, soo lagama yaabo in ay New Mogadishu gudaha u gasho dowlad goboleedyada Gobolka Banaadir ku hareereysan?

Madaxwasiireedkii ayaa markan hadlkii soo dhexgalay, oo ganacsadihii u sheegay in dowlad goboleedka ay khuseyso arrintaanu lagu wargeliyey sidii la rabeyna la iskugu waafaqay. Wuxuuna u baaqay aqoonyahankii in uu hadalka sii wato. Laakiin ganacsadihii oo aad mooddo in uu shaki qabo ayaa yiri: “Mudane nimankaas reer Goboleedkaa warkooda ma naga hubtaa waa qaraab jecelyihiine.” Intaas markuu yiri, dad badan oo aan fadhigu intuu socday marna ilka caddeyn, ayaa si fiican oo aan loo kala harin u qoslay. Qaarkoodna waxayba iloobeen maqaamka iyo miisaanka shirkan qarsoodigaahi leeyahay, maadaama madaxdii u sarreysay qaranku is hor-fadhido.

Intaasi markay dhacday, aqoonyahankii hadalka la siiyey ayaa isku dayey inuu qeexo sifaha kala duwan ee ay caasimaduhu yeelan karaan. Waxuuna sheegay in ay caasimado badan oo addunka ka mid ah ay laba dowlad-goboleed ku kala yaallaan sida caasimadda Canada ee Ottawa, oo ay wadaagaan dowlad-goboleedyada Ontario iyo Quebec. Dhinaca kale, ayuu yiri: “Casimaddeennu waxay ka dhignaan doontaa sida caasimadda India oo ah Delhi iyo New Delhi. Taasina waxay ka mid noqon doonta taariikhda horumarineed iyo marxaladihii ay ku soo talaabsatay caasimaddeenna cusub ee loo qorsheeyey aayaha Soomaalida Cusub.

Su’aal:
Kharashka lagu dhisayo caasimadda cusub xaggee ka imaanayaa, maadaama ay dowladdu had iyo goor ka cabato dhaqaala xumo, mar-marka qaarkoodna aan mushaarkii shaqaalahaba la awoodin?
Jawaab: intii aan su’aashii laga jawaabin ayaa Madaxweynihii wuxuu la hadley Madaxwasiireedkii, kadibna madaxwasiireedkii ayaa la hadlay wasiirkii amuuraha gudaha oo bidixdiisa fadhiyey, ka dibna dhegta wax ugu sheegay Guddoomiyahii Gobolka Banaadir oo bidixdiisa fadhiyey. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa istaagey oo shiday shaashad ama TV hore ugu diyaarsanaa, lakiin intii uusan shidin ayuu yiri: “Barnaamajka qaybta aan ku leeyahay oo aad dib ka arki doontaan inta aan la gaarin, waxaan rabaa inaan idin tuso filim gaaban oo hordhac ah, kaas oo aan isleennahay wuxuu ka jawaabi doonaa qayb ka mid ah su’aashii nala weydiiyey”
Markii filmkii la fiirsaday, ayadoo aan la sii faah-faahin ayuu yiri: “saddex wadan oo aan saaxiib nahay ayaa dhismaha fulintiisa iska kaashan doona, faah-faahintana markeeda iyo meesheeda ayaan idiin soo bandhigi doonnaa, haddii Rabbi idmo.”

Guddoonka Banaadir oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay dhacdo dowladda Turkiya ay Soomaaliya ugu yaboohday 1000 dhisme oo mid waliba noqon karo 5-15 dabaq. Waxuuna yiri: “Hadii 1000-kaas dhisme loo asteeyo dhul cusub oo istratiiji ah waxaad qiyaasi kartaan in magaala cusub ay ka soo bixi karto sida aad filmkaba ku daawateen.”
Markii intaasi dhacday ayaa madaxdii shirku waxay soo bandhigeen laba qorshe oo isbarbar socon doona:
Qorshaha 1-aad oo lagu magacaabay Bilicda iyo Horumarinta Caasimadda, Guddoonna uu ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Qorshaha 2-aad oo ah New Mogadishu, waxaana la magacaabay Guddi rasmi ah oo la yiraaho Guddiga Mashruuca Caasimada Cusub, wuxuuna baddelay Guddigii hore oo Qabanqaabiye ku meel gaara ahaa, ayadoo loo gudbey marxaladdii labaad (phase two) ee dhismaha caasimadda cusub.
La soco qaybta 3-aad