QM ootiri “Askarta Shabaab intooda badan waa caruur”

Wararka Maanta

Antonio Guterres, oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in carruur badan oo soomaaliya ku nool ay Al-shabaab ku qasbaan in ay askareeyaan, si ay uga qeyb qaataan Dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Waxa uu sheegay Dagaalkii Shabaab iyo Ciidanka Puntland bishii March 2016 ku dhexmaray Degaanada Puntland Askarta Shabaab ee Dagaalka ku jirtay 60% in ay ahaayeen la heystayaal caruur ah.

Sidoo kale Antonio Guterres,  oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa waxa uu sheegay caruurta Shabaab ku jirta ee Dagaalka lagu qasbo in laga soo wado Dugsiyada iyo sidoo kale Iskuulaadka waxbarashada, xilligaas oo waalidkii dhalay ay u soo dirsadaan waxbarasho.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in aan Dagaal la gelin caruurta yar yar oo aan maskaxda la bedelin, si uusan u lumin Mustaqbalkooda.