Faa-Faahin Wararkii ugu Dambeeyay Guriga Sen Cabdi Qaybdiid oo la weeraray

Wararka Maanta

Wararka ugu dambeeyay ee ku saabsan ciidamo gudaha u galay baaritaano ka sameeyay mid ka mid ah guryaha uu Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegaya in ay ahaayeen ciidamo lagu soo tababaray dalka Imaaraadka Carabta oo saldhigyo ku leh magaalada Muqdisho.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ka hadlay ciidamada galay hoygiisa waxana uu sheegay in ay burbur u geysteen guriga ay galeen oo ku yaal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in isagoo xasaanad leh la baaro gurigiisa waxana uu booqday guriga ay galeen ciidamo ka tirsan dowlada Federalka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii galay guriga Cabdi Qeybdiid ay ka qaadeen labo qori iyagoo ku dhuftay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay wateen mid ka mid ah ilaalada Cabdi Qeybdiid.

Qoraal Lagu daabacay tarta Twitter-ka ee Madaxtooyada Dowlada Federalka Somalia ayaa lagu Sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu ku amray Saraakiisha Amniga Garahaan Taliyaha Xooga Dalka in Baaritaan Deg Deg lagu Sameeyo Ciidii Bixisay Amarka lagu weeraray Guriga Qaybdiid waxuuna intaas raaciyay in Sharci la hor keeni doono.