Madaxwayne Farmaajo oo War kasoo saaray Falkii lagu weeraray Guriga senator Cabdi Qaybdiid

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkii ay ciidamo ka tirsan dowlada ku galeen kuna baareen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Barta Twitterka uu ku leeyahay ayuu Madaxweyne Farmaajo soo dhigey in uu amar siiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod, cid walba oo ku lug yeelatana sharciga lala tiigsado.

Qoraalka uu soo dhigey barta Twitterka ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo baaritaanka ay ciidamadu ka sameeyeen hoyga Senator Cabdi Qeybdiid mid sharci darro.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gereral Gorod oo ay la socdaan saraakiil ay durba bilaabeen baaritaanka ciddii ka dambeysay falka lagu galay mid kamid ah guryaha uu ka degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

Hoos ka akhri Qoraalka Madaxwaynaha