Turkiga oo garab istaagay Qadar

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dowladda Qadar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa u sheegay in Turkiga uu garab taaganyahay Qadar.

Wadahadalka labada mas’uul ayaa ku soo beegantay  xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhextaagan  dowladda Qatar iyo qaar ka mida dowladaha carabta.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan  ayaa hogaamiyaasha dowladaha Khaliijka u soo bandhigay inuu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xal nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo xiisadda ka taagan qaar ka mida dowladaha Khliijka.

Dhanka kale Madaxweyne Erdogan  ayaa dhiggiisa madaxweynaha Ruushka waxa uu kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Khaliijka iyo waddooyinkii looga gudbi lahaa dhibaatooyinkaas, waxayna isku af-garteen  labada mas’uul in wadahadal loo furo dowladda Qadar iyo dowladaha xiriirka u jaray.

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Imaaradka, Baxreyn iyo Masar ayaa isniintii xiriirka ay u jaray dowladda Qadar iyagoo dalbaday in safiirada Qadar ay iskaga baxaan dalalkooda .