Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya (Sawirro)

Wararka Maanta

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha Doorashadda ayaa goordhow ka furmay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor, Puntland Saciid Deni, Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe , Jubaland Axmed Madoobe  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

Shirkan ayaa maanta ah furitaan, iyadoo labada maalin ee soo socota si toos ah loo guda geli doono ajandayaasha shirka sida dardargelinta doorashooyinka, amniga iyo sixitaanka habraacyada doorashada.

Aragtidaada ka dhiibo