Waxaa weli uu dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed uu ka socdaa goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada guriceel ee gobolka Galgaduud, iyada oo dabka uu kusii fiday goobo Ganacsi oo kale.
Dabka ayaa markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal oo ay leedahay shirkad lagu Magacaabo Beder,isaga oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale oo ay shirkaddu leedahay.
Wararka Guriceel laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weli dabka uu kusii fidayo goobo ganacsi oo kale,waxaana wariyeyaal ku sugan Magaaalada Guriceel ay sheegeen in degmada aysan laheyn gaari damb-demis ah taas oo keentay in uu sii fido.
Dadweynaha Guriceel iyo Maamulkooda ayaa isku-dayay inay demiyaan dabkaas, hayeeshee aan weli lagu guuleysan,waxaana guud ahaan Maanta siweyn dabkaasi looga dareemayaa degmada Guriceel.