Xildhibaano gudbiyey Mooshin deg deg ah

Wararka Maanta

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan u gudbiyey mooshin deg deg ah.

Xildhibaanadan ayaa gudoomiyaha ka codsaday Mooshinkan lagu daro ajendaha Fadhiga 1aad ee kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Mooshinkan ayaa ka hadlaya xaaladda ammaanka Dalka, waxaana saxiixay 17 xildhibaan.