Ciidamada Itoobiya oo isaga baxaya Soomaaliya

Wararka Maanta

Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxaya  magaalooyin badan dalkeena Soomaaliya, iyadoo todobaadyadii u dambeeyay faarujiyay deegaano dhowr ah oo sanado ka hor ay ka saareen Al-Shabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee deegaanada gobolada dalka, waxaana loo sababeynayaa kacdoonka iyo rabshadaha ka dhanka ah dowladda ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa soo baxday ciidamada qaar ay sameeyeen amar diido iyo inay la goosteen hubka, waxaana maalmo ka hor soo baxday in dagaal dhexdooda ku dhex maray degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud.

Deegaanada laga yaabo inay ka baxaan ayaa ka mid ah degmada Tiyeeglow oo maalin ka hor ay Mas’uuliyiinta maamulka deegaanka u sheegeen inay ka baxayaan degmada.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay isku diyaarinayaan ka bixitaanka degmooyinka Ceelbuur, Maxaas iyo Xudur.

Ciidamada Itoobiya ayaa sanadkii 2014 ku biiray howl galka AMISOM, waxaana diiwaan-gashan 4,000 oo askari oo ku kala sugan Baydhabo iyo Beledweyn inkastoo la sheegay in 30,000 oo kale oo aan Amisom ka mid aheyn ay dalka ku sugan yihiin.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Taliska AMISOM aanay kula xisaabtami karin Ciidamada Itoobiya ka bixitaanka deegaanada qaar, maadaama ciidanka horay u qabtay aanay ka tirsaneyn howl galka.

Comments are closed.