Eng Yariisow”41-qof ayaa u xiran Weerarkii Guriga Senator Qaybdiid”

Wararka Maanta

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federalka C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow Wasiirka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka jawaab celisay falkii lagu weeraray guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in si deg deg ah loo fuliyay amarka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in si dhaqsi ah loo baaro falkaasi,isagoo xusay in ay socdaan baaritaan lagu hayo askar iyo saraakiil la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi lagu qaaday guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

“Falkaasi Dowladda Soomaaliya aad bay uga xuntahay,sida aad la socotaan taliyaha Xoogga Dalka ayaa guriga  Senator Cabdi qeybdiid tagay si xaqiiqda uu uu ogaado,Shacabka Soomaaaliyeed waxaan u sheegaynaa in aan laga daba haridoonin dadkii falkaasi ka dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta, Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay”, Ayuu yiri Eng Yariisow.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay shacabku la wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaankaasi lagu hayo askarta iyo saraakiisha falkaasi u xir xiran.