Guddoomiyaha Gobolka Meru ee Qaadka laga keeno oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Meru ee Qaadka laga beero Peter Munye ayaa sheegay in naftiisa ay halis ku jirto, kadib markii lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa joojintii duulimaadyadii Qaadka ee tagi jiray Soomaaliya.

Mr Munye ayaa sheegay inay u badan tahay in Beeraleyda Qaadka inay isaga dilaan, kadib markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Hassan uu sheegay inuu sabab u yahay joojinta Qaadka Soomaaliya la geyn jiray.

“Qaabka ay rabaan inay igula xifaaltamaan ma ahan mid wanaagsan, hada waxay qatar geliyeen nafteyda ayuu yiri Mr Munye.

Waxaa uu sheegay in isaga lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay joojinta Qaadka, isagoo xusay inay hada cadahay sababta loo joojiyay Qaadka ay tahay Shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhacaya todobaadka soo socda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenay Jamaal Hassan ayaa sheegay in booqashadii uu ku tegey Mr Munye magaalada Hargeysa bishii July ay sababtay cadaadis dhinaca siyaasada ah, taasoo dowlada ku qasabtay in ay joojiso ganacsiga qaadka.

“Wuxuu isku xirey ganacsiga qaadka Miraa, isagoo farogeliyay arrimaha gudaha dalka Soomaaliya”ayuu yiri Danjire Jamaal Hassan oo ka hadlayay sababtii loo joojiyay Qaadka.

“Tan waxa ay sababtay cadaadis aan loo dulqaadan karin, waxana aan joojinayay ganacsiga qaadka ka imaanayay gobolka Miraa,”ayuu sii raaciyay hadalkiisa

Isniintii la soo dhaafay ayay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay si KMG ah u joojisay dhamaan duulimaadyada qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.