Dr. Axmed Maxamed Maxamuud oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maamul goboleedyada qaar ay horboodaan dowladda oo ay iloobaan shaqadooda rasmiga ah waxauu sheegaya in markii horaba aan laga fakarin samaynta Maamuladaan oo soo boodo iyo dano gaara oo laga lahaa ay ku samaysmeen.
Dr. Axmed ayaa xusay in an Maamuladaan ay ahayd in markii la samaynayay sifo sharci ah lagu dhiso oo Baarlamaankii Soomaaliya iyo Golihii Wasiirada Dowladdii Xassan Shiikh la mar siiyo sida saxdaana ay ahayd inaan Madaxwayneyaal loo samayn ee Gobolna-toore loo sameeyo.
Waxa uu tilmaamay Dr. Axmed iney jiraan qodobo aan dowladda lala farogelin sida arrimaha dibadda, socdaalka, maaliyadda iyo difaaca qaranka islamarkaana ay Maamuladu kaliya shaqadoodu tahay arimaha degaanda ay ka arimiyaan.
Maamul goboleedyada jira ayuu ku sheegay in nidaamka ay hadda ku dhaqmayaan ay lamid tahay qaabkii hoggaamiye kooxeedyadii dalka oo la casriyeeyay waxuuna tusaale u soo qaatay hogaamiye kooxeedii xiligii Dowladdii C/laali Yuusuf oo laga dhigay Wasiirada kadibna ay Dowladdii iga ka shaqayn waysay.
Waxa uu Madaxwaynaha dowladda Federaalka kula taliyey in uu ka ashtakoodo Imaaraadka Carabta oo faragalinaya Dowladdiisa uuna ka baxo aamusnaanta Madaxwayne Farmaajo. Imaaraadka ayuu sheegay in uu lacag ku harqinayo Maamul goboleedyada taas oo keentay in ay kasoo gudbaan wixii dastuurka uu xaqa u siinayey.
Qaar kamid ah maamullada dalka ka jira ayaa kahor yimid go’aan ay dowladda dhexe ka gaartay xiisadda khaliijka sida Galmudug.Puntland. iyo Koofur-Galbeed halka an wili la ogayn mowqifka arintaan ee Jubbaland.
@goobjoog