Ciidamada Jubaland iyo amisom oo badhaadhe kasiidaayay 37 maxbuus

Wararka Maanta

Degmada Badhaadhe oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose ayaa saaka waxaa la wareegay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaaya ciidamo Caddaan ah sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka dowladda.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa laga saaray Magaalada , waxaana hadda si buuxda gacanta ku haya ciidamada maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa muddo dheer gacanta ku hayay degmadaasi, waxaana la sheegay in Xabsiga Magaaladaasi ay ku xirnaayeen 37 qof oo Maxaabiis ah.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Maanta markii ay qabsadeen Magaalada la siidaayay 37 Maxbuus oo Al-Shabaab ay rabeen in ay dilaan.

Maxaabiistaan ayaa Maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen in qaarkood ay muddo dheer ay u xirnaayeen Al-shabaab.