Maxaa ka cusub maanta Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug Waxaa ka socda qabanqaabadii ugu dambeysay diyaargarowga Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto. 

Madaxweyne Baasto ayaa maalmahaan waday shirar wadatashi ah oo uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, waxaana la filayaa in dhawaan safar kusoo maro deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shalay u ambabaxay Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, lama oga sababta rasmiga ah ee safarkooda, mar aan wax ka weydiinayna way ka kaabsadeen inay faafaahin ka bixiyaan socdaalkooda.

Dhanka kale Axmed Ducaale Xaaf ayaa wali ku sugan Garoowe, waxaana dib u dhacay safar dhulka ah oo uu ku tagi lahaa Gaalkacyo, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Xaaf ayaa beri oo Axad ah diyaarad ku tagi doona magaalada Dusmareeb. ma cadda sababta baaqashada safarkiisa Gaalkacyo.