Al-Shabaab oo Saaka weeraray Kismaayo

Wararka Maanta

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka aroortii weerar culus ku qaadan saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qaaday saldhiga, waxaana kaddib dhacay dagaal fool ka fool ahaa, iyadoo dagaalyahanada Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhiga.

Dadka deegaanka Kismaayo ayaa sheegaya in xilligii salaadii subax ee saaka ay maqlayeen qarax weyn, kaddibna uu bilowday dagaal la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku soo qoray in weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ee deegaanka Buulo gaduud, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen saldhigga.

Weerarka saaka ku qaadeen saldhigga Buulo Gaduud ayaa u muuqaal eg, weerarkii Ceel Cadde ee sanad ka hor ku qaadeen, kaasoo ku bilowday gaari qarax, kaddibna ay xigeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xerada galay.

Boqolaal ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo Jubbaland ayaa ku sugnaa deegaanka Buulo Gaduud, tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada.