Sawirro: Dufcadii 21-aad ee ardayda cusub ee Jaamacadda Muqdisho oo usoo gabagaboobay todobaadka dhaqanka

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Munaasabad aad u balaaran si wayna loosoo agaasimay looguna soo gabagabaynayay todobaadka dhaqanka Jaamacadda Muqdisho dufcadii 21-aad ayaa lagu qabtay xarunta ugu wayn Jaamacadda Muqdisho.

Munaasabadan oo ay ardayda lagu barro nidaamka jaamacadda udagsan iyo sida ardayga ula jaanqaadi lahaa inta uu ku guda jiro sahanka waxbarashada iyo macluumaadyo kala gedisan oo lagu dhisayo garaadka aqoontiisa.

Ugu horayn waxaa kahadlay guddoomiye kuxigeenka arrimaha xiriirka ahna kusimaha guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan).

“Waad ku mahadsantihiin doorashada aad doorateen Jaamacadda Muqdisho, waxay Jaamacadda Muqdisho idinku soo dhawaynaysaa gacmo furan iyo inay idinka haqab tirto cilmiga qaybihiisa kala duwan” ayuu yiri Prof. Maxamed Xuseen Ciise (liibaan).

isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu kula dardaaramay ardayda inay la yimaadaan dadaal dheeri ah iyo karti inta aad ku guda jirtaan waxbarashadiina.

Dadkii kahadlay waxaa kamid ahaa diiwaan haayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur, Dr. Shariif Cusmaan oo kamid ah masuuliyiinta sare ee Jaamacadda Muqdisho iyo hormuudka kuliyada Shareecada iyo Qaanuunka ustaad Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Maye.

Ugu dambayntii waxaa kalimad qiimo badan ka jeediyay guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho kana mid ah xubin guddiga sare ee Jaamacadda Muqdisho Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo umahad celiyay hooyo iyo aabe kasta ee soo barbaariyay ardayda maanta loosoo xiraayo todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho. wuxuu ardayda ku booriyay inay xooga saaraan dadaalna ku bixiyaan sidii ay horumar wanaagsan ugaari lahaayeen.
“Jaamacadda Muqdisho waxay shacbiga soomaaliyeed u abuurtay rajo xoog badan tacliinteedana waxaa ku lamaansan akhlaakh aad wanaagsan” ayuu yiri Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.
“Markii aan aasaasaynay Jaamacadda Muqdisho waxaan ku aasaasnay dad wada jira waxayna ku socon doontaa wadda midnimada iyo horumarka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Jaamacadda Muqidisho oo kamid ah Jaamacaddaha ugu faca wayn Jaamacadaha dalka lana aasaasay xiligii burburka kadib waxay ku talaabsatay horumar aad u balaaran, waxaana ka qalin jabiyay arday aad utira badan oo dalka iyo dadkaba wax wayn u qabtay, waxayna katirsantahay ama xubin firfircoon katahay ururo caalami ah.

Tagged