Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa Caawa gaaray degmada Hobyo gobolka Mudug.

Maamulka degmada Hobyo iyo qeybaha bulshada ayaa su diiran halkaas loogu soo dhaweeyey, waxaana loo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Hobyo.

Wafdigan ayaa kasoo baqoolay degmada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, waxaana Madaxweyne ku xigeenka safarkiisa ku wehlinayey wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa lagu sheegay in ay Hobyo kula kulmaan wafdi ka socda dowladda Turkiga oo beri halkaas tagaya.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com