Dowlada Soomaaliya oo beenisay in la badalay qareenadii u dooday Soomaaliya ee dacwada Badda

Wararka Maanta

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Faqi ayaa beeniyay warar sheegaya  in la bedelay qareenadii difaacayay dacwada badda oo ay ku jirto Muno Sharmaan.

Cali Fiqi danjiraha qaarada Yurub  ayaa ku tilmaamay warkaas kuwo la been abuuray oo aaney waxba ka jirin.

“Qareenada Soomaliya u doodaya ee kiiska badda lama bedelin waa sidoodii marka laga reebo Muno Sharmaan oo iskeed uga tagtay.” ayuu intaas ku daray danjire Cali Saciid Fiqi.

Danjire Fiqi oo ka hadlay sababaha ay ugaga tagtay Muno Sharmaan qareenada u doodaya dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay Muno ka heshay shaqo Bangiga adduunka ayna codsatay in ay ka tagto shaqada.

“Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd qareenadii Soomaaliya u doodayey kiiska badda, balse dhowaan ayey soo wacday Madaxweynaha, iyadoo u sheegtay iney shaqo ka heshay Bankiga adduunka, waxayna ka cudurdaaratay ineysan ka sii mid ahaan karin qareenada Somaliya u doodaya” ayuu yiri danjire Cali Saciid.

Danjire Cali Saciid ayaa  ugu baaqay  siyaasiyiinta mucaaradka inay iska hubiyaan waxa ay sheegayaan oo aysan siyaasadeyn arrimaha badda.