Home > Wararka Maanta > Bankiga dhexe oo amray in la xiro akoomada forex ee Soomaaliya

Bankiga dhexe oo amray in la xiro akoomada forex ee Soomaaliya

Wararka Maanta

Go’aan ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar dhowaan ka soo baxay Booliska Soomaaliya oo lagu mamnuucay ganacsiga Suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Forex Trading, kaddib markii doodo kala duwan oo dhinaca diinta ay hareeyeen oo ku aadan in Shareecada Islaamka aanay waafaqsaneyn ganacsigaas.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!