khasaaraha dagaalkii Maanta ka dhacay Bacaadweyne (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal dhowr jeer maanta ka dhacay magaalada Bacaadweyne iyo hareeraheeda ayaa sababay khasaare kala duwan oo kala gaaray dhinacyadii ay dirirtu dhexmaray iyo dad shacab ah.

Dagaalkii Maanta galinkii hore

Alshabaab ayaa saaka weeraray taliska ciidamada deegaanka halkaas gudaha magaalada Bacaadweyne, halkaas dagaal kadib ay Alshabaab ay ka wateen ilaa 3 gaari oo tikninko ah, sidoo kale waxa ay dileen 5 ruux oo isugu jira ciidamo iyo rayid ah, waxaana dagaalka gudaha magaalada ku dhawaacmay in ka badan 10 ruux.

Sidoo kale waxay shabaabku weerareen xerada ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka Bacaadweyne, waxaana halkaas ku geeriyooday 4 askari XDS, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sidoo kale Alshabaab ayaa horay u qaatay 2 gaari oo tikniko ah, inkastoo gawaaridaas markii dambe shabaabka looga reebay meel u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara, halkaas oo dagaal culus ka dhacay, dagaalkaas ayaa khasaare badan Alshabaab kasoo gaaray, iyada oo dagaalka looga dilay in ka badan 10 Askari, oo ay qaarkood uga tageen goobta dagaalka, dhaawaca Alshabaab intaas ka badan, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay 3 Alshabaab ah iyaga oo dhaawac ah.

Dhanka kale gaari ay leeyihiin ciidanka daraawiishta Galmudug oo gurmad uga yimid degmada Hobyo ayaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxaysa Wisil iyo Bacaadweyne, waxaana halkaas khasaare aan tiradiisa la shaacin kasoo gaaray askartii gaarigaas saarnaa.

Dagaalkii Galabta

Ciidamada Xoogga dalka oo isugu jira Danab iyo Milatari oo ka tagay meelo kala duwan ayaa galabta dabagalay shabaabkii soo weeraray Bacaadweyne, waxaana dagaal culus labada dhinac ku dhexmaray inta u dhaxeeysa Bacaadweyne iyo Camaara, waxaana ciidanka Milatariga dib ugu laabteen Bacaadweyne, ilo amni ayaa inoo xaqiijiyey in ciidanka Dowladda gaari cabdi bile ah looga qabsaday dagaalkaas, sidoo kale 2 askari ugu dhimatay dagaalka.

Dagaalka oo soo gaaray gabal dhicii, ayaa labada dhinac ugu kala ruqaansadeen Bacaadweyne iyo Camaara, iyadoo isku jira masaafo ka yar 10 Kiilomitir, waxaana shacabka deegaanku ka cabsi qabaan labada dhinac dagaalkoodu dib u bilaaban karo xilli kasta.

Maxaa keenay in Alshabaab weeraraan Bacaadweyne? 

Dadka xog-ogaalka ayaa saddex sababood ku saleynaya duulaanka Alshabaab ee deegaanka Bacaadweyne

  1. Alshabaab oo doonaya in ay balaariyaan deegaanada ay maamulaan gobolka Mudug, si ay dhaqaale uga sameeyaan
  2. Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay doonayaan gooyaan wadada weyn ee isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, wadadaas oo koofurta Mudug ku xirta deegaanada xorta ah ee Galmudug. horey waxay u gooyeen wadadii isku xiraysay Galgaduud iyo xeebaha gobolka Mudug .
  3. Alshabaab oo doonaya in ay culeyska ka qaadaan deegaanada u dhaxeeya Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, iyadoo ciidanka Dowladdu ay xoogga saareen deegaanadaas si looga fogeeyo caasimadda Galmudug magaalada Dhuusamareeb oo mudooyinkan dambe qalqal ku hayeen amnigeeda.

Khariidada Dagaalka

  • Gadaleey waa Camaara oo 10 km ka yar u jirta Bacaadweyne, waana labada goobood oo fadhiisinka u ah labada ciidan
  • Khadiirada waxaan ka muuqda yoolka Alshabaab oo ah in ay qabsadaan wadada Gaalkacyo iyo Hobyo

W/D: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Shabakadda Ceelhuur Online