Diyaarad sidday gargaar oo lagu rasaaseeyey Qansaxdheere

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in diyaarad sidday sahay gargaar maanta lagu rasaaseeyey degaanka Qansaxdheere xilli ay degaysay, sida ay VOA Somali ku heshay warar kala duwan.

Diyaaradda ayay ku dhacday rasaas fudud, waxaana la sheegay in diyaaraddu ay markii dambe kasoo kacday Qansaxdheere isla markaana ay kusoo laabatay Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen. Mid ka midah saraakisha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in loo malaynayo in Al-Shabaab ay rasaasta ku fureen diyaaradda.

Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo 4-tii bishan diyaarad lagu soo riday magaalada Bardaale ee isla gobolka Bay. Diyaaraddaas ayaa qoraal kasoo baxay Amisom lagu sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya.

Isha: VOA