Weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Iran (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dablay hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada Iiraan oo gaado ka cayaar kusoo bandhigayay magaalada Ahvaz oo ku taalla koonfur galbeed dalkaasi, waxaana ku dhintay 24 qof halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dablayda ayaa weerarka kasoo qaaday barxad u dhaw goobta ay ciidammada ku sugnaayeen, waxayna qabeen dareeska militariga. kooxda Daacish ayaa sheegtay  weerarkan.

Xukuumadda Iiraan ayaa u dabaaldegaysaa sannadguuradii kasoo wareegtay bilaawgii dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan sannadihii 1980-kii ilaa 1988-dii, waxaana ciidammada militariga dalkaasi ay soo bandhigayeen gaado ka cayaar lagu xusayo munaasabadda.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya ciidammo dhaawac ah oo goobta laga qaadayo.

Weerarka dableyda ayaa socday muddo 10 daqiiqo ah balse laammaha ammaanka Iiraan ayaa hadda la wareegay goobta oo xaaladda dejiyay, sida ay kusoo warramayso warbaahinta xukuumadda Iiraan.