Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxaas lala eegtay gaari ciidan uu watay General Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Qaraxa ayaa gaariga lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida saraakiisha Amaanka Soomaaliya u xaqiijiyeen Mustaqbal.
Hal askari ayaa dhintay qaraxaasi, halka 3 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka badbaaday qaraxa Jen. Cali Gaab oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Booliska Soomaaliya, hadana ah hogaanka Caafimaadka Booliska Soomaaliyeed.
“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo gaariga ka saarnaa dusha sare askarta gudaha ku jirtay dhaawac ayaa gaaray” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Majirto cid sheegatay masuuliya weerarkaasi waxaana inta badan weerarada nuucaana Magaaladda Muqdisho ka gaysta Al Shabaab.
Qaraxyada miino ee muddooyinkan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa isa soo tarayay, waxaana lala beegsanayay gaadiidka ay la socdaan Ciidamada amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Xigasho: Mustaqbal Radio