Dil ka dhacay gobolka Mudug

Wararka Maanta

Faaf faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dil xalay ka dhacay Degmada Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug, ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Nin hubeysan ayaa la sheegay in Xalay dilay nin  ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha Kubada Cagta ee Degmada Galdogob oo lagu magacaabi jiray  Cadaawe Cali Aadan, kadib markii uu rasaas ku furay, isla markaana Cadaawe uu dhaawac Culus ka soo gaaray taas oo markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ciidamada Booliska ee Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug,ayaa sheegay iney gacanta ay ku hayaan Ninkii dilka dambeeyay,isla markaana hataan baaritaano ay ku socdaan,lana horkeeni doono Cadaaladda si sharciga loo marsiiyo.

Shacabka ku nool Degmada Galdogob ayaa aad uga naxay dilka loo geystay AUN Cadaawe oo ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha Kubada Cagta ee Degmada Galdogob ee ka tirsan Gobolka Mudug.

Isha: SBC