Shiinaha oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,  Fei Shengchao.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in xiriirkan la gaarsiiyo heer cusub oo wax wadaagid iyo iskaashiba leh oo ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay sida uu dalkiisu u doonayo sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyadoo hore loo dhaqaajinayo iskaashi dhinacyo badan leh oo dan u ah labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa muujiyay muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu kor u qaadi doono deeqaha Shiinaha ee Soomaaliya si loo gaaro xasilooni iyo horumar.