Madaxweyne Farmaajo oo maanta u ambabaxaya safarkiisii 16-aad

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa  inuu maanta u safro dibadda, Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha ayaa u safri doona dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Soomaaliya. Bilihii lasoo dhaafay ma wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta.

Waa Safarkii Labaad ee uu Madaxweyne Farmaajo  ku tagayo dalkaasi tan iyo markii la doortay 8 February ee Sanadkaan 2017-da.  isagoo April 10, 2017: Booqashada ku tagay Imaaraadka. Safarka maanta ee madaxweynaha ayaa noqonaya safarkiisii 16-aad ee uu dibada ugu dhoofo, Waxaana lagu xasuustii xiligiisii doorashada inuu balan qaaday inuu yareyn doono safarada dibada.

  1. February 23, 2017: Sacuudiga
  2. March 22, 2017: Kenya
  3. March 28, 2017: Jordan
  4. April 10, 2017: Imaaraadka
  5. April 26, 2017: Turkiga
  6. May 3, 2017 : itoobiya
  7. May 9, 2017 : UK
  8. May 21, 2017 : Sucuudiga
  9. June 21, 2017 : Uganda
  10. Aug 20, 2017 : Masar
  11. September 26, 2017 : Sacuudiga
  12. Oct 4, 2017 : Suudaan
  13. Oct 22, 2017:-Uganda
  14. October 23, 2017 : Itoobiya
  15. October 24, 2017 : Jabuuti
  16. November 17, 2017 : Imaaraadka