Waxaa maalintii jimcaha aheyd 19 April 2019 kulan ku yeeshay Muqdisho Madaxwayne Farmaajo iyo wafdi Sacuudi ah oo uu horkacaayay Wasiiru dowlaha arimaha Afrika ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Kulankaas oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa looga hadlay Qodobo Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin :
- Wafdiga Sacuudiga ayaa ka xumaaday in Madaxweynuhu ku qaabilo dhar ciidan ayaga oo aan ku qancin sababaihii uu u sheegay oo ahaa inuu ka yimid furimaha dagaalka.
-
Wafdigu waxa uu madaxweynaha u keenay casuumaad uga wadeen Boqorka Sacuudiga taas oo ku saabsaneyd shir loo qabanayo arimaha badda cas oo dhawaan ka dhici doona Sacuudiga.
-
Ka dib markii uu madaxweynuhu aqbalay casuumaddas ayuu Madaxweynuhu wafdiigii u sheegay in:
– Sacuudiga uusan la shaqayn dowladdiisa.
– Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu u sheegay in dowladdisa ay garab siisay dowladda Sacuudiga sida arimihii ka dhacay Turkiga oo lagu dilay wariyihii caanka ahaa Khashuqji.
- Wafdigii Sucuudiga ayaa madaxweynaha ugu jawaabay in:
– in Dowladda Sacuudiga ay garab istaagtay muddo dheer dowladiisa waliba asaga oo Qatar kala jirsaday.
– Waxa ay sheegen in ay ugu deeqeen lacag 50 million oo dollar taas oo aan waxba looga badalan dowladda Soomaaliya.
- Waxa uu wafdigu u sheegay Madaxweynaha haddi uu danaynaayo in ay hagaagaan xiriirka labada dal ay tahay inuu Xilka ka qaado wakiilka Qatar ee Somalia Mr Fahad Yaasiin.
-
Madaxweynaha oo arinkaasi filan waa ku noqday ayaa u sheegay wafdiga inuu ka fiirsan doono arinka xil ka qaasista saxiibkiisa midig Fahad Yaasiin.
Xogtaan waxaan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay.
Ceelhuur.com kala soco warar iyo warbixino sugan.