Diego Costa Oo Iska Diiday Fursad Uu Ugu Biiri Lahaa Everton

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa Everton maalmaha ugu dambeeya suuqa kala iibsiga xagaaga, sida lagu sheegay warbixin.

28 jirkaan ayaa diiday inuu ku laabto Stamford Bridge ka dib markii lagu eedeeyay inuu tababare Antonio Conte ku wargeliyey fariin qoraal ah oo aheyd in aan loo baahneyn.

Iyadoo Atletico Madrid a aysan awoodin inay diiwaan gashato ciyaartoyda ilaa January, sababtoo ah ganaax ¬†FIFA ah, Costa ayaa la kulmay rajo la’aanta inuusan wax ciyaar ah ku laheyn ilaa sanadka cusub.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, Everton ayaa dalab lacageed gaaraya 66 milyan oo ginni u dirtay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, iyadoo tababaraha Toffees Ronald Koeman uu doonaya inuu xoojiyo weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa soo jeedineysa in Costa uu maanka ku hayo inuu ku biiro kooxda ka dhisan La Liga, iyadoo uu rajeynaayo in haatan wax walba dhamaad ku dhawyihiin ka dib markii heshiis 57 milyan oo ginni ah ay wada gaareen Chelsea iyo Atletico Khamiistii.

Costa ayaa dhaliyay 59 gool 120 kulan oo uu u saftay Chelsea waxaana uu ka caawiyay kooxda Galbeedka London laba horyaal oo Premier League ah.

W/Q Hafsa haji