Shil Gaari oo Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo waxaa soo gaarey kala duwan kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Gaari nooca loo yaqaano UD, islamarkaana waday shaqaale muruq maal ah oo la sheegay iney ka shaqeynayeen garoonka Aadan Cadde ayaa ku rogmaday wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis, kadib markii gaarigaasi bareeg laga wayey.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dadka deegaanka iyo maamulka degmada Shibis ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkan, kuwaasi oo loo daabulay xarumaha caafimaadka.

Wadayaasha Gaadiidka Muqdisho oo Xowli uwada Gawaarida ayagoo qaarkood lahayn qibrad iyo aqoon ku filan iyo Jidadka Muqdisho oo qaarkood burbursan Mashquulna ah ayaa lagu macneeyay sababta soo celcelisa shilalka caynkaan oo kale ah ayadoo ay gaabis tahay howshii Ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

 

Ceelhuuronline