Dhuulihii Qarnigu Dhimay: Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Arimaha Bulshada Dhaqanka Wararka Maanta

Dhuulihii Qarnigu Dhimay: Waxa Qoray Cumar Seerbiya

15380649_1002400516533131_431169620097576493_n
Waa habeenkii Arbacaad bishii 3aad sannadkii 2013dii waqtigii fiidcawlka markii aan ka dhaqaaqay masaajidka Cali Mataan oo markaasi uun salaadii maqrib laga baxay waxaan wacay numberkii 441 ka bilaabmayey ee numbkerka 5 uu laba meelood kaga jiray . Dabcan kuma nasiibin uun magaca qofka sita, balse waxaan aqaanay magaciisa oo saddexdan oo waliba lagu daray ka hooyadii u bixisay ee Cabdilaahi.

Iga qabay taleefankii iina jawaab isaga oo magacayga iigu yeedhaya .Wadabalane amarka alle iyo amaantiisa waqti ka fog ka aan la hadlayba ii muuqaban ee si fudud ayuu u yidhi 30 daqiiqo ka dib ii imaw. Meesha uu jooga oo ah guriga uu deganaa kamaba ka foga halkii aan taagnaa ee waa Xaafada Geed-goble qofkii baabuur ama lug ku maray aan si gaar ah ugu sii tilmaamee meesha ay wadadu godka ka yara noqoto ayuu baad waxyar dhinaca qorrax ka soo baxa uga leexanaysay intii aanu u guurin gurigiisa aan kirada ahayn ee uu waqtigan degay.

Waxaan ugu tagay markii aan galay qolkii uu ku jiray ogolaanshiiyihiisa ka dib . Shay Mire Dacar oo magaca hooyadii u bixisayna uu yahay Cabdilaahi ayaa waqti ka badan saacad ii sheekeeyey , waxa ugu badan ee aanu iskala sheekasanaynay waxay ahayd noloshiisii Ceerigaabo , jabouti,isku taga imaaraatka iyo Hargeysa iyo waliba heesaha Badan ee uu qaaday oo ay ku jirto heeso uu Cumar dhuule lahaa oo uu sheegay inuu si gaar fanaaniinta hore uu uga jeclaa ..