Dhalinyaro Somaliyed oo laga sii daayay xabsi ku yaallo dalka India

Wararka Maanta

Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraysa 15 qof oo Dhalinyaro loona haystay falal burcad Badeednimo ah ayaa laga sii daayay Xabsiyo kuyaala dalkaasi India.

Siidaynta maxaabiistaasi ayaa timid markii ay dhameysteen waqti xukun oo ay horey ugu ridday maxkamad ku taala Dalkaasi, xukunkaasi oo gaarayay ilaa 7 sano oo xabsi ah maadaama ay ku eedeysanaayeen Burcadbadeednimo.

Jaraa’idka The Indian Express ayaa warbixin uu ka qoray xaaladda dadkaasi maxaabiista Soomaaliyeed, ku xusay in weli ay baaqi ku yihiin gudaha dalkaasi India, ayna ku nool yihiin meel dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Mumbai ee dalkaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale, kuwaasi oo gaaraya 27 qof,waxaana qorshuhu uu yahay in mar qura ay dalkaasi ka soo baxaan dhamaantooda,iyadoo la sugayo 27-ka kale oo la sheegay waqtigooda uu ka harsan yahay oo qura maalmo kooban,taasi oo keentay in la isla sugo.