Munasabad si weyn loosoo agaasimaya ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Garacad ee degmadda Jariiban Gobolka Mudug,waxaana lagu dhagax dhigay dhismaha cusub ee dekadda Cusub ee Garacad.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kahadlay goobta waxaana uu sheegay in dhismaha dekadaani qayb kayahay mashaariicda horumarineed ee bulshada Puntland ku dhisanayaan isku tashi & wax wada qabsi.
Xafladda dhagax dhiga waxaa ku casumnaa Raisalwasaaraha dowladda Faderalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan Puntland kusugan, balse kheyre ayaa ka baaqsaday in uu ka qeybgalo munaasabadda dhagax dhigga. .
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta soo ajiibtay munasabadda dhagax dhiga dhismaha Dekadda Garacad,waxaana uu ku dhiiriyey howlwadeenadda iyo gudiga gacanta ku haya barnamijka dekadda in looga bahanyahay taabagelinta howlaha dekadan.
Sawir Qaade: Saciid Nadaara