RW Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyey Qardho (Sawirro)

Wararka Maanta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qardho ee Gobolka bari.

Waxaa Ra’iisul wasaare Kheyre ku wehliya safarkiisa, qaar ka mid ah Madaxda Golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa Puntland.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Magaalada Qardho, qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedka Puntland, Duubabka dhaqanka iyo Dad weyne aad u tiro badan, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan iyo Calanka Soomaaliya.

Mudane; Kheyr ayaa lagu wadaa inuu halkaasi kulan kula qaato xubno ka tirsan maamulka Degmada Qardho ee Gobolka bari iyo degaannada ku xeeran, madaxda dhaqanka iyo wax garad kale.