Afhayeenka Dhaqanka Hawiye oo ka hadlay Tacdiyo Ciidanka Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya

Wararka Maanta

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay tacdiyo ciidanka Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Nabaddoonka ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaato burburin ah oo ciidanka Kenya u geysteen hantidii shirkada Hormuud oo ilaa 3 xarumood ka gubeen.

Nabaddoonka oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri :” Waxaan cambaareynayaa anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye, Tacadiyada ay Ciidamada Kenya kawadaan gudaha Somalia, gaar ahaan dhibaatadii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo lagubay ilaa 3 xarumood oo ay kulahaayeen Gobolka Gedo, sidoo kalana dhibaato loo geystay shaqaalaha shirkadda, lana burburiyay hanti fara badan oo ay shirkadaasi lahayd”.

Sidoo kale Nabddoonka ayaa intaa ku daray :”Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Somalia iyo Taliska Amisom inay jawaab degdeg ah kabixiyaan dhibaatadii iyo burburkii loo geystay Hantida iyo shaqaalaha Shirkadda Hormuud, Wabillaahi Towfiiq”.

Ciidanka Kenyaa dhibaato badan ka geystay gudaha Soomaaliya, waxaana tacadiyan aan wali ka hadlin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.